Sawirro: Kuluumaysatada Bosaso oo ka mudaaharaadaya Kawaankii Kaluunka dawladdu iibiday

10 July 2023 (Puntlandes) Kuluumaysatada magaalada Bosaso ka caraysan Cashuurta xad dhaafka ah ee lagu soo rogay iyo dhulkii danta guud ay ku shaqaysan jireen ee Suuqa  Kalluunka oo shakhsiyaad Dawladdu ku wareejisay si ay uga dhistaan goobo ganacsi.

Wadada halbowlaha u ah isu socodka dadka iyo Gaadiidka Bosaso gaar ahaanna Aargada Gaaca oo ku hortaala afafka hore ee xarunta Dawladda Hoose ayaa waxaa saaka xirtay Kalluumaysatada Suuqa Kalluunka Bosaso oo ka cabanaya in saaka xaruntii Suuqii ay ku shaqaysaneyeen laga xirtay, iyagoo ku eedeeyey Xukuumadda Siciid Deni.

Kawaanka kalluunka ee laga rarayo Kalluumaysatada waxaa la dhisey xilligii dowladdii Gaas iyadoo lagu dhaqaale badan si casri ahna loo dhisay, madaxweyne ayaana ku ku wareejiyey ganacsade gaar ah.

Xoogsatadan ayaa isu soobaxa dhigaya iyagoo wata Kalluunkii ay saaka bada ugala soo bexeen in ay ka ganacsadaan.

About The Author