Akhriso: Maxkamada Sare  ee Somaliland oo dib ugu celisay Guddiga Doorashooyinka in ay cayimaan wakhtiga doorashooyinka

10 July 2023 (Puntlandes) Maxkamadda sare ee Somaliland ayaa maanta dib ugu celisay guddida Doorashooyinka Somaliland warqaddii dhawaan ay u soo gudbiyeen ee ay tafsiirka sharci ee doorashada ku saabsan kaga codsadeen sida ay tibaaaxayaan Ilo-wareedyo ka agdhow Maxkamadda sare.

Maxkamada Sare ayaa qoraalka ku tiri ”waxa la farayaa Kominshanka Doorashooyinka in ay cayimaan wakhtiga doorashooyinka maadaama ay tahay awoodooda sida uu dhigayo Qodobka 16aad ee xeerka guud ee Xeer  Lr. 91/2020 Farqadiisa 1aad”

Arrintan ayaa ka dhigan in hadda guddida Doorashooyinka ay u taalla in ay ku dhawaaqaan jadwalka Doorashada iyo weliba ta soo horraynaysa labada Doorasho ee Ururrada iyo Madaxtooyada.

About The Author