Gaas iyo cumar oo war ka soo saaray khilaafka siyaasadeed ee Puntland

11 July 2023 (Puntlandes) Madaxwaynihii hore Dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Raysal wasaarihii hore Cumar Cabdirashiid iyo Wasiirkii hore ee Ganacsiga Soomaaliya Cabdirashiid Cirro ayaa war ka soo saaray xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Puntland.

Mas’uuliyiinta ayaa soo bandhigay qodoba kala duwan  xal u noqon kara khilaafka dowladda iyo siyaasiyiinta mucaaradka, kaas oo sababtay dagaalkii dhawaan ka dhacay magaalada Garoowe.

Bayaanka ay soo saareen ayay ku sheegeen in mudadii ay joogaan Puntland ay kulamo kala duwan la yeesheen dowladda, siyaasiyiinta mucaaradka ah, isimada dhaqanka qaarkood iyo ururrada siyaasadda oo ay kala hadleen khilaafka taagan.

Waxay soo jeediyeen in wakhtigaan laga maarmo furista dastuurka, isla markaana doorashada madaxtinimada Puntland aysan wakhtigeeda dhaafin dowladduna la timaado barnaamij qeexan oo lagu fulinayo hawshaas.

Waxay sidoo kale ku baaqeen in sida ugu dhakhsaha badan lagu qabto doorashada saddexda degmo ee Gobolka Nugaal ee ka haray cod-bixintii guud ee ka dhacday 30-ka degmo.

Hoos ka akhriso talo soo jeedinta Gaas iyo Cumar:

About The Author