Akhriso War murtiyeedka Shirka Wadatashiga Madaxda Qaranka iyo Madaxdii hore ee dalka

13 July 2023 (Puntlandes) Waxaa laga soo saaray War murtiyeedka shirka Wada-tashiga madaxda qaranka iyo madaxdii hore ee dalka, kaasoo Muqdisho ku soo gabogaboobay.

Qodobada laga wado hadlay ayaa waxaa ka mid ah:

1- Nooca doorashada waxaa la isla fahmay in dalku u baahan yahay doorasho qof iyo cod ah oo si xasilloon oo wadar oggol ku jirto, kuna dhacda

2- Nidaamka Madaxtinimada dalka oo doodo badan laga yeeshay waxaa la isku raacay in dib la isaga yimaado bulshada rayidka ay talo ku yeeshaan.

3- Mideynta muddo xileedka Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada waxaa dood dheer laga keenay in dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada aysan muddo xileedka kororsan karin oo loo maro qaab Dastuuri ah, muddo xileedka la kordhinayo waxay khuseyn doontaa doorashada soo socoto

About The Author