Sawirro: Madaxweyne Muse Bixi oo la kulmay madaxdhaqameedkii Muqdisho oo uu horey udiiday
14 July 2023 (Puntlandes) Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa xalay la kulmay madaxdhaqameedkii Muqdisho ee nabadaynta dagaalka Laascaanood u tagay Hargaysa bilo ka hor kadibna uu horey u diiday inuu la kulmo.
Madax dhaqameedka oo uu hogaaminayo Ugaas Maxamuud Ugaas Cali ayaa magaalada Laascaanood nabadaynta u tagay dabayaaqadii bishii March 2023ka, kadibna waxay isku dayeen inay Hargaysa tagaan waana loo diiday.
Cadaadis badan oo uga yimid Beesha Caalamka ayuu madaxweyne Muuse Biixi ku ogolaaday inay inay tagaan hargeysa dabayaaqadii bishii April 2023ka, kadibna wuxuu diiday inuu la kulmo iyagoo Muqdisho isaga noqday.
Xalay oo ay bisha July ahayd 13ka ayuu Muuse Biixi la kulmay Madax dhaqameedkii uu horey u diiday inuu la kulmo, waxaana shaacisay kulanka oo aan faahfaahsanayn Madaxtooyada Somaliland.
Hoos ka akhriso qoraalka Madaxtooyadda:
Madaxweynaha Somaliland Oo Kulan Casho Sharaf ah ku qaabiley Madax Dhaqameedkii Iskood Isu Xilqaamay.
Hargeysa-13-07-2023-()-Madaxwayanaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa habeenimadii Xalay kulan casho sharaf ah la qaatay odayaashii dhaqanka ee iskood isu xilqaamay ee nabadda iyo walaaltinimada u yimid dalka si ay qayb uga noqdaan arrinta nabad ku soo dabbaalidda magaalada laascaanood.
Madaxweynuhu waxa uu uga mahadceliyay odayaasha dedaalkooda iyo dhabar adaygii ay Ka muujiyeen xal u helidda nabadda magaalada Laascaanood, iyaga oo muddo ku sugnaa dalka.
Waxaanu madaxwaynuhu kula dardaarmay in ay halkaa ka sii wadaan dedaalkooda nabad-raadinta, ka dawlad ahaana ay ku garab taaganyihiin, sidii ay horeba ugu muujiyeen kalsoonida cid kasta oo nabad u socota, collaadda Laascaanoodna wanaageeda wadda.