WHO oo cambaareysay duqayn ay Somaliland ka gaysatay Laascaanood

15 July 2023 (Puntlandes) Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa cambaareysay duqeymo Somaliland ka geysatay Laascaanood, kuwaasi oo burburiyay goob caafimaad oo ku yaalla magaaladaasi.

WHO ayaa sheegtay in ay ka xun tahay, islamarkaana ay cambaareynayso weerarkaasi, ayada oo si cad u sheegtay in goobaha caafimaad aysan noqon karin bartilmaameed.

Weerarkaasi oo ay hay’addu sheegtay inuu dhacay saddex maalin kahor, iyada oo sheegtay inuu ka dashay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Madaxa hay’adda, Tedros Adhanom oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa waxa uu ku shaaciyay in khasaaraha uu intiisa badan soo gaaray shaqaalaha caafimaadka iyo bukaanadii ku jiray isbitaalkaas.

“WHO waxay cambaareeynaysa weerarkii lagu qaaday xarun caafimaad oo ku taal Laascaanood, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac, oo ay ku jiraan shaqaalaha caafimaadka iyo bukaannada. – Caafimaadku ma ahan bartilmaameen.”

About The Author