Guddiga joogtada ah ee golaha shacabkaoo go’aamiyey in guddiga Dibu eegista loo diro heshiiskii GWQ
15 July 2023 (Puntlandes) Guddiga joogtada ah ee golaha shacabka, Fadhi aan caadi aheyn oo ay yeesheen ayey ku go’aamiyeen in guddiga Dibu eegista loo diro, lagana baajiyo fadhiyada golaha shacabka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kaligiis doonaya inuu meelmarsado in dastuurka loo bedelo rabitaankiisa.
Heshiiskaan ayeysan Puntland qayb ka ahayn, sidoo kale waxaa ka digay madaxdii hore iyo siyaasiyiinta dalka, halkaan ka akhriso
6dii bishan, ayay Madaxtooyada Soomaaliya dhaqaale ku bixisay si doonisteeda meelmar u noqoto, 7dii bishana Aaden Madoobe ayaa magacaabay guddi 5 xubnood ah oo kasocda dhanka Villa Somalia oo kasoo tala-bixiya, kuwaas oo soo jeediyey in guddiga dibu eegista loo diro.
11-kii bishii lasoo dhaafay ee June, Gudoomiyaha golaha shacabka ayaa ka horyimi in Guddiga dibu eegista Dastuurka ay la wareegaan heshiisyadii madasha wadatashiga Qaran, oo ay sheegeen in ay ahayd talaabo aan sharci aheyn in guddiga lagu wareejiyo, laakiin isla hadda ugu dambeyn, waxay qaateen wareejintaas in ay sharci ahayd.