Muuqaal-Sawirro: Guddoonka labada Aqal oo nuqulada heshiiskii Madasha Wadatashiga Qaran Ku wareejiyay Guddiga Dib u Eegista, La-socodka iyo Hirgelinta Dastuurka ee BJFS

15 July 2023 (Puntlandes) Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi oo maanta kulan wadajir ah ku yeeshay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa ayaa waxay Guddiga Dib u Eegista, La-socodka iyo Hirgelinta Dastuurka ku wareejiyeen nuqulada heshiiskii Madasha Wadatashiga Qaran.

Guddoonka labada aqal ayaa Guddiga waxay kula dardaarmeen in ay luuqad dastuur kuso qoraan Isla markaana horkeenaan Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana guddiga ay guddoomeen nuqulada heshiiskii Madasha Wada-tashiga Qaran.

About The Author