Baaq ku wajahan Qurba jogta ka soo jeeda Gobolka Wardheer,ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya
puntlandes 14 June, 201514 jun 2015 (Puntlandes) Siyaasiinta ka soo jeeda Gobolka Doollo), Wardheer, ee Dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa baaq u diray,qurba joogta ka soo jeeda Gobolkaas Wardheer, baaqaas oo ku aadan inay ka qayb qataan hormarinta Gobolka Wardheer, iyo guud ahaan-baa dawlad deegaanka Soomaaida Itoobiya.
Xildhibaano siyaasiin iyo wax garadka Degmooyinka Gobolka Wardheer ee is maamulka Soomalida Itoobiya ayaa waxay baaq u dirayaan Qurba joogta,aqoonyahannada iyo Ganacsatada, u dhashay Gobolka Wardheer, inay ka qayb qataan hormarinta dhulkooda. xildhibaano iyo siyaasiin muddooyinkaan socdaal ku marayey Gobolka Wardheer ayaa waxay fariin u dirayaan qurba Jogta Gobolka Doollo.
Xildhibaano heer federal,iyo heer, heer Kilir ee laga soo doortay Gobolka wardheer gaar ahaan Degmooyinka Bookh Gallaadi iyo Centaraka), Qalloocaan, ayaa socdaal ku tagay halkaas ayaga oo deegaankaas kula shiray bulshada qaybaheeda kala duwaan si ay ugu kuur galaan una qimeeyaan baahiyaha degmooyinkaas ka jira,
Xildhibaanad Kaamil Ahmed Nuur,( Kaamil Goodamood)oo ah Xildhibaan heer Federala ayaa baaq u dirtay Qurba), joogta kasoo jeeda Gobolka Doollo ee magaallo madaxdiisi tahay Wardheer, waxay ugu baaqday inay dhulkooda maal gashi ku samaystaan kuna soo labtaan, oo ay is garab istagaan xukumadda iyo shacabku dadaalada ay wadaan ee ku aadan hormarinta dawlad deegaanka Soomaalida Ethioia, gar ahaana Gobolka doollo oo ay tiri waxaa meesha ka maqaan kaalintii Qurba jogta Gobolka u dhalatay.
Xildhibaanad Kaamil Ahmed Nuur, mar ay hadalkeeda sii watatay ayeey tiri maanta Waxaan qurba jogta Dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia u sheegaya inay leeyihiin dhul nabada oo ku naaloonaya hormar iyo xasiloni waxaana looga baahan yahay Qurba jogta inay ku soo labtaan dalkooda kuna samaystaan maal gashi iyo wax soo saar, oo ay tiri lama huraan waa cawska jiilaal,
Gaar ahaan waxay fariin u dirtay qurba jogta ku nool dallaka Yurub Maraykanka Carabaha, Australia iyo Southafrica, ee ka soo jeed Gobolka Wardheer, inay ka qayb qataan harmarinta deegaanadooda, Xildhibanaad Kaamil Axmed Nuur, ayaa tiri waddan ama deegaan ma hormaro haddii aan dadkiisi hormarin, waxaana jaaliyaddaha Gobolkaan wardheer u dhashay looga fadhiya ka qayb qadashada hormarka Gobolka iyo guud ahaan deegaanka,
Dhanka kalena Xildhibanada laga soo doortay Degmooyinka Gobolka wardheer oo ku Weheliyey socdaalka Xildhibanad Kaamil Axmed ay ku maraysay deeganada Gobolka Wardheer ayaa sheegay in loo baahan yahay in bulshadu iska kaashato hormarinteeda Gobolka,Dawladda kaliyana aysan wax qaban Karin haddii aan shacabkeedu waxa qabsan..
Waxaa waayahaan dambe dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia ka socday hormar aad u lixaad weyn iyo dadaalo ay wadaan xukumadda uu hogaamiyo Cabdi Maxmuud Cumar, iyo xisbiga Xisbiga Dimuqraadiga), Shacbiga Soomaalida Itoobiy, (XDSSI), waxaana jira barnaamijyo loogu magac daray dib u curashada, dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo hora loo soconaya, laguna doonaayo in lagu hormariyo deegaanka Soomaalida Itoobiya.
Ugu dambayntiina siyaasiinta heer gobol heer kilil iyo heer Federal ayaa si wadda jira baaq ugu diraya dhammaan qurba jogta u dhalatay Gobolka Doollo ee dawlad deegaanka Soomalida Itoobiya, inay ka qayb qataan hormarka Gobolka, sidookalena ay Muhiim tahay in bulshadu isku xirnaato waxay sidookale siyaasiintaas, fariin u direen Tujaarta), iyo ganacsatada Gobolka Wardheer inay maal gashadaan Gobolka oo ah bay dheheen mid ku yaal goob istiraatiijiya kuna wanaag san ganacsiga..
Sawiro
Nuur Guuled,
Nuur27.@hotmail.com