Xisbiga UCID oo qaadacay go’aankii ka soo baxay guddida Doorashooyinka Somaliland.
18 July 2023 (Puntlandes) Xisbiga UCID ee Somaliland ayaa qaadacay go’aankii ay guddida Doorashooyinka Somaliland ku shaaciyeen Jadwalka doorashooyinka Somaliland, iyagoo soo hormariyey tan Ururada.
Guddiga ayaa u mudeeyey in 28 December 2023 dhacayso doorashada Ururada, halka ay tan madaxweynaha iyo kuxigeenkiisana ay u asteeyeen 13ka November 2024ka.