Sawirro: Gen Jimcaale”Dastuurka lama furi karo, doorashaduna waa inay dhacdaa 8da janaayo 2024”
19 July 2023 (Puntlandes) Taliyaha Ciidanka Kumaandoosta Danab Gen Jamcaale Jamac Takar ayaa dhoolatus ciidan ku soo bandhigay Taliska Ligle ee duleedka Garowe.
Taliye Jimcaale oo la dhinac ah siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa mar kale ku celiyay in aysan aqbali doonin furista Dastuurka Puntland.
Jimcaale ayaa yiri “Puntland Dastuurkeeda in la furo waa ka dagaalanay mana aqbalayno”
Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in aysan aqbali doonin dhammaan wixii ay hore uga dagaalameen ee dad kaga dhintay isla markaana aysan cidna ku khasbi karin.
Wuxuuna yiri Jimcaale “Wax allaale wixii aan ka dagaalanay oo diidnay ee dad inagaga dhintay ma aqbalayno”
Waxa kale oo uu sheegay in madaxweyne Deni aanu xaq u lahayn in uu jideeyo hannaanka loo gelayo doorashada 2024 waxaana uu ku tilmaamay in uu yahay musharrax.