Puntland: Xildhibaano keenay Mooshin ah in Baarlamaanka loo raro Qardho
20 July 2023 (Puntlandes) Buuq iyo sawaxan ayaa maanta hareeyey Golaha Wakiillada Puntland ka dib markii 5 xildhibaan soo jeediyeen ama keeneen Mooshin ah in golaha laga raro caasimadda Garowe, xiisadaha amni awgood.
Waxaa soo jeediyey in fadhiga barlamaanka la raro:
Xildhibaan Axmed daad
Xildhibaan dhaashane
Xildhibaan Sharmaake
Xildhibaan Abdirashiid Afguduud
Xildhibaan Cali cabdiwaaxid
Soo jeedintaas ka dib buuq iyo sawaxan ayaa Golaha hareeyey, waxaan arrintaasi dood kulul kala hor tagey mid ka mid ah xildhibaannada laga soo doorto gobolka Nugaal.
Guddoonka ayaa fadhigii golahana soo xiray ka dib markii deganaantii iyo ismaqalkii lumay.