Sawirro: Xukuumadda Puntland oo wax kabedel ku sameeyey Xeerka Goleyaasha Deegaanka & Xeerka Doorashooyinka Dowladda Puntland
20 July 2023 (Puntlandes) Shirkii galaha Wasiiradda oo uu gudoomiyey Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa waxay wax kabedel ku sameeyeen Xeerka Goleyaasha Deegaanka & Xeerka Doorashooyinka Dowladda Puntland.
Golaha Wasiirada ayaa ansixiyey Lix Xeer oo kala ah :
1-Wax-ka badelka Xeerka Goleyaasha Deegaanka.
2-Wax- ka badelka Xeerka Doorashooyinka Dowladda Puntland.
3-Wax- ka badelka Xeerka Qareenada Puntland.
4- Wax ka badelka Xeerka Nootaayadda.
5-Xeerka iyo Siyaasadda Sumadaha Ganacsiga.
6-Xeerka lagu maamulo Hay’addaha Maaliyadeed ee Bangiga Dowladda.
Xeerarka Golaha Wasiiradu maanta ansixiyeen ayaa loo gudbinaya Golaha Wakiillada Dowladda Puntland.
Waxaa xusid mudan in Xukuumadda Deni ee ansixisay wax ka bedelka labo xeer oo muhiim ah ay muddo xileedkeedii uga harsan tahay wax ka yar 5 bilood.
Sidoo kale Baarlamaanka Puntland ayaa waxaa u xirmaya iminka Kalfadhigiisa u dambeeyey isagoo oktoober ku ansixiya oo kaliya Miisaaniyadda dawladda oo ah 3da bilood ee u horaysa sanadka doorashada oo ah 2024ta.