Gollaha Sare ee SSC oo raaligalin udirey Madaxweynaha Somaaliya kadib markii uu Garaad jaamac u eedeeyay Dowladda
20 July 2023 (Puntlandes) Golaha Sare ee SSC ayaa raaligelin siiyey madaxda Dowlada Federaalka Soomaaliya kadib markay wadahadal yeesheen madaxda Dawlada federalka iyo Isimada.
Waxaa eedayn culus u jeediyey madaxda Dowlada Federaalka Soomaaliya Garaad Jaamac Garaad Cali, isagoo ku eedeeyey inay dawladda Federaalka raali uga tahay Somaliland duqaynta ay ku hayso shaqcabka reer Laascaanood.
Si kasta ha ahaatee lama oga inuu qayb ka yahay raaligelinta Garaad Jaamaca Garaad cali iyo in kale.