Puntland: Warsaxaafeed Urur Siyaasdeedka Sincad oo saaray qodobo uu xal u arko khilaafka (daawo Muuqaal)
23 July 2023 (Puntlandes) Urur Siyaasdeedka Sincad ayaa wuxuu soo saaray qodobo uu u arko inay noqon karaan xal khilaafka ka jira Puntland ee ku saabsan waqtiga doorashada iyo dastuurfurista.
Sincad ayaa ku yiri Warsaxaafeedka “Doorashada xubnaha Baarlamaanka Puntland waa inay dhacdaa ugu dambayn bisha December 2023, doorashada Madaxweynuhuna waa inay noqotaa Baarlammaani waana inaysan dhaafin 8da Janaayo 2024”.
Ururka siyaasadeedka Sincad ayaa soo jeediyay 9kii urur ee jiray in laga dhigo xisbiyo, iyagoo soo jeediyeyna in guddiga doorashooyinku noqdaan mid laga wado tashtay kana kooban 11 xubnood oo ka yimaada 9 Xisbi iyo dawladda.
Baaqa ururka ayaa looga digay madaxwedoorasho dib uga dhacda 8 January, oo ay ku sheegeen inay qatar keeni karto, xilligaana in la qabto doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka ayay soo jeediyeen. Tallada ay soo jeediyeen sidoo kale waxaa qeyb ka ah in diiwaangelinta dadweynaha dib loo furo, si ay fursad u helaan Dadka aan horey isku diiwaangelin.