Wafdi DFS ah oo ay hoggaamineyso Guddoomiye kuxigeenka Golaha Shacabka oo MD Deni kahorjoogsaday inay u safraan Puntland
24 July 2023 (Puntlandes) Wafdi ay hogaaminayso Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Shacabka BJFS Sacdiya Yaasiin Samatar ayna ka mid ahaayeen Wasiirka Isgaadhsiinta Soomaaliya Jaamac Xasan, Wasiiru-dowlaha Macdanta Maxamuud Mashruuc, xildhibaanno iyo siyaasiyiin kale oo dhamaantood ka soo jeeda Puntland ayaa Garoonka Muqdisho looga diiday inay u safraan Puntland ka dib markii laga lagu wargeliyey inuu amarkaas bixiyey madaxweyne Deni.
Xukuumadda Puntland ee muddo xileedkeedu sii dhamaanayo ayaa mar sii horreysey joojisey wada shaqayntii kala dhexey Dowladda Federaalka, iyadoo ay dhawaan yimaadeen Xildhibaano ka tirsan labada Aqal.
Wafdiga Guddooomiye Sacdiya ayaa u socday caana-shubka suldaanka beesheeda.
Guddoomiye Sacdiya Yaasiin Intii ay xilka haysay waa markii labaad oo laga cesho Puntland oo ay ka soo jeedo. Sannadkii hore ayaa iyada oo gargaar wadda laga hor istaagey Boosaaso walow ay muddo ka dib ka degtey, maanta oo Muqdisho lagu cesheyna waxa la sheegey in ay u socotey caano-shubka suldaan beesheeda ah.In kastoo celinta maanta aysan weli xukuumadda Puntland dhinaceeda ka hadlin, haddana mar sii horreysey ayey Garoowe joojisey wada-shaqaynta Xamar.
Sacdiya Yaasiin waa gabadha haysa uguna horreysey xilka ugu sarreeya guud ahaan haweenweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya.