Axmed Karaash oo ka horjeestay furista dastuurka

24 July 2023 (Puntlandes)  madaxweyne ku xigeenka Puntland  Axmed Cilmi Cismaan (Axmed  Karaash) ayaa ka hor jeestay in la furo dastuurka Puntland isagoo ku sababeeyey inay keenayso xasilooni daro ka abuuranta Puntland.

Kulan gaar ah oo ay xalay yeesheen madaxweynaha Puntland, madaxweyne ku xigeenka iyo guddoonka Baarlamaanka ayaa fashil ku dhammaaday.

Xog hoose ayaa ka soo baxaysa kulan albaabadu u xiran yihiin oo Siciid Deni, Axmed Karaash iyo guddoonku ay xalay ku yeesheen xarunta madaxtooyada Garowe.

Madaxweynaha Puntland iyo guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa kulankii xalay isku dayay in ay Madaxweyne ku xigeenka ku qanciyaan furista dasturka balse isku daygaas ayaa fashil ku dhammaaday.

Madaxweyne ku xigeenka Axmed Karaash ayaa sida wararku sheegayaan iska diiday in uu taageero qorshaha furista dastuurka oo uu ku tilmaamay mid qalalaase amni sababi kara.

Madaxweyne Deni iyo guddoonka Baarlamaanka ayaa sidoo kale caawa ku ballansan kulan danbe oo uusan ku wehelin madaxweyne ku xigeenka.

About The Author