Hoobiyayaal lagu weeraray xerada Maslax ee Muqdisho
25 July 2023 (Puntlandes) Tiro hoobiyeyaal ah ayaa saaka lagu garaacay xerada Maslax ee degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho.
Warka ka imaanaya xerada ayaa sheegay in hoobiyayaasha lagu weeraray, ay ku kala dhaceen gudaha iyo banaanka xerada Maslax.
Ciidamada ku sugnaa xerada lagu weeraray hoobiyeyaasha ayaa markiiba sameeyay howlgal, iyagoo gacanta kusoo dhigay shaqsiyaad lagu tuhmayo weerarka.
Xerada Maslax ayaa waxa degan ciidamo milatari, gaar ahaan gutooyinka lagu magacaabo Khaalid Bin Waliid iyo Cumar Bin Khadaab, kuwaasoo loo diyaariyay wejiga labaad ee dagaalka kooxda Alshabaab.
Weerarkaan ayaa imanaya maalin kadib qaraxii ismiidaaminta ahaa ee Alshabaab ay ka fuliyay Kuliyadda Jaalle Siyaad, kaasoo uu ka dhashay khasaare xooggan, oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
25 askari ayaa ku geeriyootay qaraxaas, halka 70 kale ay ku dhaawacmeen, sida xogtaan ay ku soo dusiyeen saraakiil ciidan.