Akhriso Qodobada dastuurka ee Baarlamaanka Puntland oo fulinaya amarka Deni ay wax ka beddelka ku sameeyeen
25 July 2023 (Puntlandes) Golaha Wakiillada Puntland ayaa maanta sifo sharciga baalmarsan wuxuu wax ka beddel ku sameeyey dastuurka Puntland oo ah heshiis bulsho.
Golaha oo fulinaya doonista madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa wax ka bedel ku sameeyey 12 Qodob oo ka mid dastuurka Puntland.
Warbaahinta Puntlandes ayaa ogaatay in Deni siiyey Xildhibaankiiba lacag dhan $15000, iyadoo aynu ognahay in Ciidanka iyo shaqaalihii dawladdu aysan Mushahaar qaadan.
Sidoo kale Warbaahinta ayaa ogaatay in Xildhibaanada SSC iyo kuwa Sanaag iyo Haylaan oo isu gayntoodu ay tahay 26 Xildhibaan ay 48dii saac ee u dambaysay wadeen olele ay taageero ugu raadinayaan qorshaha Deni ee Dastuur furista una codeeyeen maanta.
Hoos ka akhriso 12ka Qodob ee ay dastuurka Puntland ka bedeleen:
1- Qodobka 7-aad: Dhulka & Soohdimaha Puntland
2-Qodobka 44-aad: Doorashooyinka
3- Qodobka 46-aad: Xisbiyada Siyaasadda
4-Qodobka 47-aad: Sharuudaha furashada Xisbiyo Siyaasadeed
5- Qodobka 56-aad: Hanaanka Dawladda
6- Qodobka 57-aad: Qaybaha Dawladda
7-Qodobka 62-aad: Sababaha lagu lumin karo xubinnimada Golaha Wakiilada
8- Qodobka 64-aad: Awoodaha Golaha Wakiilada
9- Qodobka 89-aad: Qaab dhismeedka Garsoorka
10- Qodobka 90-aad: Maxkamadda Sare
11- Qodobka 112-aad: Guddiga Doorashada (PEC)
12-Qodobka 113-aad: Nidaamka Doorashada Guddiga (PEC)