Muuqaal: Maxkamadda Dastuuriga ah ee Puntland oo diiddy kordhinta Xildhibaannada Baarlamaanka
26 July 2023 (Puntlandes) Maxkamadda Dastuuriga ah ee Puntland ayaa diiddy kordhinta Xildhibaannada Golaha Wakiillada oo ay codsadeen Beelaha kala ah; Tanade Daarood, Warsangeli, Dhulbahante, Majeerteen, Marreexaan, Dir, Madhibaan, Geesa-guulle, Liibaangashle, Kaskiqabe iyo Awrtable.
Maxkamaddu waxa ay sheegtey in aan Baarlamanka la kordhin karin ilaa la sameeyo tira-koob guud isla markaasna ay sii ahaanayaan 66 Kursi.