Muuqaal: Garaad Jaamac Garaad Cali “Hadalkaygii Dawladda Federaalku halkiisi buu ii taagan yahay”
26 July 2023 (Puntlandes) Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa sheegay in aan la qarin karin sida Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Raysal wasaare Xamse uga gaabiyeen ka hadalka duulaanka Somaliland ku qaaday Laascanood.
Garaadku wuxu yiri ”Hadalkaygii Dawladda Federaalku halkiisi buu ii taagan yahay. Hassan Sheikh & Hamse waxaan leeyahay ha ka dhuumanina inaad dadka reer SSC xaqooda ka hadashaan idinkoo ka cabsanaya inaad cidkale saaxiibtinimadeeda ku weydaan.. Is cadeeya oo waxaa tiraahdaan dadka reer Sool dhibaataa lagu hayaa, maalintaas ayaa madax noo noqonaysaan haddii kale waxa tihiin magac u yaal”