Isimmada Gobolka Nugaal oo uu u furmay shir gaar ah oo kusaabsan xaaladda siyaasadeed ee Puntland
29 July 2023 (Puntlandes) Isimmada Gobolka Nugaal ayaa waxaa magaalada Garowe uga furmay shir gaar ah oo ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee Puntland, gaar ahaan khilaafka hareeyey qabsoomida dooarshada iyo dastuur furista.
Isimada ayaa ka wada-hadlaya wax-ka-beddelka dastuurka, doorashooyinka iyo is-marin-waaga mucaaridka iyo xukuumadda Deni u dhexeeya.
Inkastoo dowladdu socodsiisey go’aankeedii wax-ka-beddelka dastuurka, weli mucaaridku waa diiddan yihiin.
Sidoo kale xal lagama gaarin doorashooyinka golayaasha deegaanka Nugaal oo hor taagan doorashooyinka kale ee wakiillada iyo madaxtooyada.