Muuqaal: Muuse Biixi ka hadlay jabhadda looga dhowaaqay buurta Gacan-Libaax

30 July 2023 (Puntlandes)Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo xalay ka qaybgalay munaasabad ka dhacday magaalada Hargeysa ayaa ka hadlay xiisadda colaadeed ee ka dhalatay khilaafka hareeyay doorashooyinka Somaliland.

Madaxweyne Biixi ayaa soo hadal qaaday jabhadda hubeysan ee looga dhowaaqay buurta Gacan-Libaax, taas oo dhaq-dhaqaaqyo Ciidan oo culus ka billowday halkaas.

Madaxweynaha ayaa hoos u dhigay saameynta jabhaddaas oo shalay dagaal la gashay ciidanka Somaliland, wuxuuna tilmaamay in aaney aheyn sida loo buun buuninayo.

Sidoo kale wuxuu arrintan ku macneeyay xifaaltan siyaasadeed oo ku aadan doorashooyinka la galayo, sida uu hadalka u dhigay.

“Anigu waxaan aaminsanahay in anay wax dhibaato ahi dhacayn, oo aaney ka badneyn xifaaltan siyaasadeed oo marka doorasho la galayo isla leh” ayuu yiri madaxweyne Biixi oo ka hadlay madal lagu soo bandhigayay buug laga qoray Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo todobaadkii hore ay jabhaddani ay afduub u geysatay illaa siddeed qof oo laba kamid ah ay ahaayeen saraakiil ciidan, walow markii dambe laga daba-tegay, lana soo daayay dadkaas, kadib dadaalo ballaaran oo la sameeyay.

Si kastaba, Somaliland ayaa wajaheysa xaalado is biirsaday, sida dagaalka Laascaanood iyo sidoo kale muran ka dhashay doorashooyinka maamulkaas iyo mida soo horaynaysa doorashada madaxweynaha iyo tan Ururada.

About The Author