Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Ayaa Magacaabay 3 Xubnood oo Kamid Ah Xubnaha Gudiga Doorashada Puntland Ee (PEC)

31 July 2023 (Puntlandes) Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Cabdirashid Yusuf Jibril ayaa magacaabay 3 xubnood oo kamid ah xubnaha Gudiga Doorashada Puntland ee (PEC).

Kani waa magacaabistii ugu horeyaey ee Guddi Doorashooyin oo rasmi ah [PEC], iyadoo saddexdii xubnood oo u horreeyey ay magacaabeen Baarlamanku kuwaa oo kala ah Fu’aad Abshir Axmed, Axmed Jaamac Maxamed iyo Axmed Maxamuud Cumar [KK], waxayna ka soo kala jeedaan gobolada Sanaag, Mudug & Highland.

Sidoo kale sadex xubnood ayaa laga sugayaa Madaxweynaha, halka Xisbiyada siyaasadeed min xubin laga sugayo, waxayna dawladdu yeelanaysaa 7 xubnood.

About The Author