Sawirro: Guddoonka cusub ee Golaha Dhexe SSC-Khaatumo oo Laascaanood lagu doortay

01 Aug 2023 (Puntlandes) Doorasho ka dhacday magaalada Laascaanood oo ay Golaha 45ta ah ku dooranayeen hogaankooda ayaa waxaa ku tartamay gudoomiyaha golaha Maxamuud Yuusuf Xasan iyo Jaamac Yaasiin.

Sidoo kale gudoomiye ku xogeenka waxaa isu soo taagay Jaamac Aadan Cismaan oo aan cid kale la tartamin.

Gudoomiyaha KMG ah ee Hogaanka SSC-Sheekh Aadan ayaa ku dhawaaqay natiijada labada codadka waxayna u kala heleen Jaamac Yaasiin oo helay 25 Cod halka Maxamuud Yuusuf Xasan uu helay 20 Cod.

Waxaa ku guulaystay Gudoomiyaha golaha dhexe ee maamulk SSC-Khaatumo Jaamac Yaasiin isaga oo heley cod 25 cod.

Maalinta berrina waxa la dooranayaa Hoggaanka sare ee maamulka.

About The Author