Madaxweyne Deni oo magacaabay Xubinta Ururka KAAH ku matali doonta guddiga doorashada Puntland (PEC)

01 Aug 2023 (Puntlandes) Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa u magacaabay Xubinta Ururka KAAH ku matali doonta guddiga doorashada Puntland (PEC) Cabdulaahi Maxamed Barre Nuur (Caato).

Xubinta cusub ee magacaaban Cabdulaahi iyo madaxweynaha waxay yihiin isku Jifo hoose oo ka tirsan Beesha Cismaan Maxamuud.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa shalay magacaabay 3 xubnood, iyadoo inta kalena la filayo inay soo dhamaystirmaan marka laga reebo MIDEEYE iyo HORSEED.

About The Author