Magacaabidda guddiga doorashooyinka ee ee PEC iyo sida dastuurka loogu gefey markasta!!!!!!

Waxaa saacadihii ugu danbeeyey si xawli ah u socdey magacaabidda guddiga doorashiyinka Puntland, kadib markii la sheegay guddigii kumeel-gaarka ahaa in shaqadoodi ku dhamaatey qabashada doorashoyinka goloyaasha degaanka ee 33 degmo oo ka maid ah 50 degmo ee Puntland ka kooban tahay.

Haddaba iyada oo dastuur iyo sharci ixtiraamkiisi uu Puntland ka dhintey oo sidii la doono la yeelo ayaa waxaa muuqanaysa in dhismaha guddigan loo marayo sifo sharci darro ah.

Guddigan waxay ka kala imaanayaan saddex dhinac:

Golaha wakiilada ee Puntland

Madaxweynaha Puntland

Xisbiyada Siyaasadeed

Gefka kowaad

Maalintii shalay waxaa guddoomiyaha golaha wakiilada Puntland Mudane Cabdirashiid uu soo saarey saddex xubnood oo ka mid noqonaya Guddiga Doorashooyinka Puntland, sida muuqata ma waafqsana qodobka 64aad farqadda (9 aad) ee ka hadlaaya Awoodaha Golaha wakiilada oo u dhigan sidan:

Goluhu wuxuu dooranayaa Difaacaha xuquuqda Adanaha, (3) Saddexda xubnood oo ka mid noqonaya guddiga Doorashada iyo (2) labada garsoore oo ka mid noqonaya maxkamadda dastuuriga ah, waxaana loo marayaa habraaca doorashada ee Golaha Wakiillada.

Sidoo kale Xeer Hoosaadka Golaha wakiilada qodobka 9aad ayaa isla sidan loo dhigey uu dastuurku ka hadlaayo iyada oo aan waxba laga beddelin.

Waxaa ku cad qodobkan in ay tahay doorasho golaha wakiiladu ay kala dooranayaan xubno si loo soosaaro saddexda xubnood, si lamid ah Difaaca xuquuqda Aadanaha ee Puntland ee horey loogu tartamey, su’aasha isweydiinta leh ayaa ah Guddoomiye Cabdirashiid xagee ka keenay awooda ah in uu magacaabo ee aan loo tartamin, waa la jiifiyaana banaan, waxaanse aad uga naxaa markaan arko isaga oo buugii yaraa ee dastuurka sida kitaab fiqhi ah la soo kala baxay oo aad moodo wadaad masalo ku qaloocatey.

Gefka labaad:

Xeerka Guddiga Doorashooyinka ee Puntland (GDP) waxa uu si cad u sheegayaa in aysan ka mid noqon karin guddiga doorashooyinka, xubin ka tirsan golaha wakiilada ee Puntland, eeg xeerka PEC qodobka 5aad farqaddiisa 9aad ee ka hadlaaya xubnaha aan ka mid noqon karin PEC: (Waa in uusan ka mid ahayn Shaqaalaha dowladda, xubnaha golaha wakiilada, xubnaha golaha wasiirada, ciidamada qalabka sida iyo hay’adda garsoorka, isla qodobka shanaad waxa u sheegayaa ee xeerka doorashooyinku in xubinmta PEC aysan ka yaraan karin da’deedu 40 sano) Guddoomiye Cabdirashiid waxa uu magacaabey xubin ka tirsan golaha wakiilada ee Puntland taas oo khilaafsan xeerka PEC, haddaba Xildhibaan Fu’aad Abshir Adeer ma is casiley mise waa la jiifiyaana banaan.

Gefka Saddexaad:

Dastuurka qodobkiisa 112 farqadiisa labaad waxay dhigeysaa sidan :Guddiga Doorashada Puntland waa hay’ad madaxbannaan, waxayna u hogaansamaysaa sharciga oo keliya, waxayna xilkeeda u gudaneysaa si waafaqsan xeerarka & Qawaaniinta Doorashada.

Qofku ma marka la magacaabo ayuu noqonayaa dhex-dhexaad madaxbanaan oo sharciga keliya u hoggaansami kara, xitaa xubnaha Xisbiyadu soo magacaabayaan waa in ay yihiin shakhsiyaad leh dhexdhexaadnimo, aan ku milmin siyaasadda lagu aqoon eex, leh aqoon heer jamacadeed ah.

Gefka afaraad:

Doorashadii goloyaasha deegaanku waxay saarneyd rati hayin ah waxaad moodaa hadda in la saarey Express Tareen ah oo aan cidna u joojineyn, hala magacaabo guddiga doorashada, laakiin xitaa magacaabidda waxaa ka muuqda aqoon darro, ma jirto cid lagu hagaajiyey oo hay’ad ah, waxaa lagu hagaajiyey isla qofka la magacaabayo iyo Facebook ama TikTok waana khalad kale oo sharciga laga galay, marka la dhisaayo hay’ad madaxbanaan.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada waxaa laga doonayaa in saddex bilood ka hor uu ku dhawaaqo marka PEC la asnixinaayo sida uu qabo dastuurka qodobkiisa 114, taasina waxay ku beegan tahay kalfadhiga soo socda ee bisha Oktoobar 2023, laakiin dastuur la kufsadey ayaan ka shekeeyaa weligeey, waxaadna arki doontaan isaga oo 5 maalmood gudahood kumeel mariyey waxa uu rabo.

Aad ayaan jeclaa in nidaamka dimoqraaraadiyaddu hana qaado, laakiin in sharcigii iyo dastuurkii la kufsado sidii larobana laga yeelo, waxay dhalaysaa wax aad u xun, oo ka liita wixii Puntland horey u haysatey.

Wabilaahi Towfiiq

WQ Ismail Aw Musse

About The Author