Muuqaal: Hadaljeedinta Madaxweyne Deni ee xuska sanad guurada 25-aad ee aasaaskii Puntland

02 Aug 2023 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo khudbadiisii xalay ee xuska sanad guurada 25-aad ee aasaaskii Puntland ayaa ka hadlay xaalada Puntland iyo doorashada lagu muransan yahay.

Deni ayaa yiri “Dowladda aan masuulka ka ahay khaasatan golaha Xukuumadda iyo anigaba, waxaan dadka reer Puntland u sheegaya oo cod dheer ugu sheegayaa Dowladdaan aan Madaxda ka ahay, waxay diyaar u tahay inay Doorashada xiligeedi ku qabato 8da January 2024”

Waxaa xusid mudan in Guddiga Doorashooyinka (PEC) uusan wali dhismin ayna qaadanayso dhawr bilood, sidoo kale waxaa loo baahan yahay sharuuc ay doorashadu u baahan tahay, Tirokaan si Kuraasta Baarlamaanka loogu qaybiyo degmo sida ku cad dastuurka, waxaa kaloo loo baahan yahay diiwaangelin.

About The Author