Sawirro: Qado sharaf Gaalkacyo loogu sameeyey madaxweynihii hore Puntland Dr Gaas
02 Aug 2023 (Puntlandes) Waxgaradka Beesha reer Khalaf ayaa maanta waxay magaalada Gaalkacyo Qado sharaf ugu samayeen Madaxwaynihii hore Dowladda Puntland isla markaasna ah Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas beerta Bilan ee ku taal dulaadka magaaladaas.
Qado sharafta ayaa waxaa ka soo qaybgalay dhamaan waxgaradka beelaha kale ee dega gobolka Mudug, iyagoo ka kooban qaybaha kala duwan ee bulshada sida siyaasiyiin, Nabadoono, waxgarad, Saraakiil, aqoonyahan, Culumo, Ganacsato iyo dhalinyaro.
Munaasabadda Qado sharafta oo uu xiriiriye ka ahaa Dr Maxamed Cabdi Xaashi ayaa ugu horay waxaa furay hadalka aqoonyahan Cabdicasiis Cabdullaahi Xuseen (Gaacir) oo u mahadceliyey madaxweynaha iyo kasoo qaybgalayaasha, sidoo kalena wuxuu ku dheeraday ka hadlida waxqabadkii madaxweynaha ee dhanka Federaalka markuu Raysal wasaaraha ahaa,sida ka saaridii Soomaaliya ee ku meel gaarka iyo xiligii uu madaxweynaha ka ahaa Puntland oo ay ka mid tahay.
Dhismayaashii Garoomada Diyaaradaha ee Bosaso iyo Garowe, Heshiiskii iyo Dhagaxdhigii bilaabidii Siliga Garoonka Gaalkacyo, Dayactirka iyo shaqogelinta Garoonka diyaaradaha Qardho, heshiiskii Balaarinta iyo Casriyeyta Dekedda Bosaso, bilaabashada dhismaha Dekedda Garacad, ku dhiirashada dhismaha wadada Laamiga ah ee CeelDaahir iyo Ceerigaabo, dayactirka wadada Laamiga Dheer, dhismaha wadooyin laamiya oo magaalooyin badan laga hirgashay, dhismayaal badan oo dawladeed, qodidii Ceelasha Biyood ee ugu badnaa intii Puntland jirtay iyo qaar kaloo badan.