Kalfadhiga 35aad ee Baarlamaanka Puntland oo bari furmaya iyo hawlo culus oo horyaala
14 jun 2015 (Puntlandes) Barri ayaa waxaa furmaya kal fadhiga 35aadee Baarlamaanka Puntland hawlo badan ayaana lagu wadaa in Baarlamaanku uga doodaan ayna Ansixiyaan mudada uu kal fadhigu Soconayo.
Waxaana ugu horaysa Ansixinta dawlada laga filayo in uu soo dhiso Madaxweyne cabdiwali Maxamed Cali Gaas, taasoo ah mid uu ku samaynayo isbedel iyadoo ay ka dhex muuqan doonaan wajiyo cusub.
Waxaa kaloo lagu wadaa in uu Baarlamaanka Puntland ka doodo DFS oo shaqsiyaad ay ka leexiyeen wixii ay ummadda soomaaliyeed ku heshiisay (Dastuurkii), iyadoo ay hada cadahay inay Kooxda Villa Somalia ka leexiyeen Soomaaliya Faderaalayntii lagu heshiiyey.
Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed cali Gaas ayaa furidoona Kal fadhiga Baarlamaanka iyadoo ay shacabka Puntland dhegta u taagayaan Qudbadiisa iyo waxa uu soo bandhigidoono, maadaama intii uu xilka soo hayey ay banaanka usoo baxeen daldaloolo farabadn iyo dhaliilo kuwaasoo u badan Fashilaad ku timid Xukuumadiisa.
Gudiyo ka socda Golaha Baarlamaanka ayaa dhawaan kormeer qiimayn ah ku tegay Gobolada Puntland qaarkood iyagoo u kuurgalayey waxa ay qabatay Xukuumada Gaas iyo cabashooyinka jira.
Isku soo duuboo waxa caawa ay Shabawaynayha reer Puntland ay dhegta u raaricinayaan waxa uu ku furmo barri Kalfadhiga Baarlamaanka Puntland.
Puntlandes.com