Golaha samata bixinta Puntland (GSP) oo War-saxafadeed ka soo saaray xaalada Siyaasadeed Puntland, kuna baaqay…..

03 Aug 2023 (Puntlandes) Golaha samata bixinta Puntland oo War-saxafadeed ka soo saaray xaalada Siyaasadeed Puntland ayaa saamilayda Siyaasada Ugu baaqay shirwayne dalka looga badbaadin lahaa hubinti la’aanta Siyaasadeed ee Puntland Soo Wajahday.

Golaha Samata-bixinta Puntland (GSP) oo ah Gole ay ku midaysan yihiin qaybo badan oo kamida siyaasiyiinta iyo waxgaradka Gobolka Mudug ayaa soo saaray bayaankan oo ay kaga hadlayaan marxalada qallafsan ee siyaasada Puntland ay marayso.

Goluhu wuxuu welwel weyn kamuujiyey jahada siyaasadeed ee Puntland kusocoto isaga oo tilmaamay in Puntland ay dul hoganayso daruur xambaarsan hubanti la’aan iyo qalalaase siyaasadeed loona baahan in laysu kaashado badbaadada iyo samata bixinta mustaqbalka siyaasadeed ee Puntland.

Bayaanku wuxuu kale oo carabka ku dhuftay in ay isku milmeen hay’adihii loo dhisay inay isku korjoogteeyaan ilaalinta Dastuurka iyo qawaaniinta dalka taasina sababtay burburka siyaasadeed, Amni iyo dhaqaale ee xilligan Puntland ka taagan.

About The Author