Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo muddeeyay ansixinta xubnaha guddiga doorashada (PEC)

03 Aug 2023 (Puntlandes) Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl ayaa maanta oo taariikhdu tahay 03 August, 2023 soo saaray qoraal ku saabsan muddeynta Ansixinta Xubnaha Guddiga Doorashada Puntland

Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu:

MARKUU ARKAY: – Dastuurka Dawladda Puntland Qodobka 113-aad, farqadiisa 1-aad.

MARKUU TIXGELIYAY: – Baahida loo qabo Ansxinta Xubnaha Guddiga Doorashada Puntland

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa la socodsiinaya dhammaan Xisbiyadda Siyaasadeed ee Puntland in wakhtiga loo muddeeyey Ansixinta Xubnaha Guddiga Doorashada Puntland tahay 03-09-2023 Haddii Alle idmo.

Sidaas darteed, waxaan idinka rajeynaynaa inaad Xubnaha Guddiga Doorashada Puntland u soo gudbisaan Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ka hor taariikhda sare ku xusan si loo ansixiyo.

About The Author