Muuqaal: Beesha Ciise Maxamuud “doorshada Madaxtinimadu waa in ay dhacdaa 08/2024 barlamaankuna doortaa, xildhibaanada lagu soo xulaa sidii hore”

04 Aug 2023 (Puntlandes) Beesha Ciise Maxamuud ayaa bayaan ay soo saareen guddi ka kooban 45 xubnood oo ay xuleen Islaanka iyo Suldaaka waxay caddeeyeen mowqifka midka ah ee beesha kaas oo ah in doorashadu 8da janaayo 2024ta u dhacdo sidii ay u dhici jirtay ee Baarlamaanku dooran jiray laguna soo xulo xildhibaanada sidii lsgu soo xuli jiray.

Beesha ayaa bayaanka ku tiri “doorshada Madaxtinimadu waa in ay dhacdaa 08/2024 ayna ku dhacdo nidaamkii barlamaanku dooran jiray Madaxda Puntland”

Bayaanka ayaa sidoo ksle lagu Sheegay Masuuliyada dagaalkii Garowe dhacay ay Dowladu leedahay ayna qaadayso khaasarihii ka dhashay, kana bixiso magdhow, waxaana lagu Camabaareeyey furistii dastuurka iyadoo dhibtii ka dhalatay xalinteedu ay ku jiraan Ismo dhaqan.

About The Author