Madaxweyne Biixi oo Xeer madaxweyne ku go’aamiyay muddayntii guddiga doorashooyinka…

07 Aug 2023 (Puntlandes) Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo Xeer madaxweyne Lr. 22/082023ku cayimay muddayntii guddiga doorashooyinka ay gaareen, iyadoo ay soo horaynayso qabashada doorashada Ururada.

Madaxweyne Biixi ayaa go’aamiyay:

1. In Doorashada Xisbiyada qabsoonto taariikhdu markay tahay 28 December 2023.

2. In Doorashada Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Somaliland qabsoonto taariikhdu markay tahay 13 November 2024.

Muddaynta guddiga doorashooyinka ee 17kii July ayaa waxaa ka dhashay caro keentay in Jabhad ka aasaasanto Somaliland iyadoo uu Ciidan Somaliland dhex maray isku dhac, waxaana muuqata in Biixi uusan dan ka lahayn in xal heshiis lagu yahay laga gaaro.

About The Author