Sawirro: Madaxweyne Deni oo qaabilay Madaxa Hay’adda Care International ee Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo

08 Aug 2023 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Madaxa Hay’adda Care International ee Soomaaliya Gary Mackuk iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Kulanka oo ay ka qeybgaleen Wasiirka Qorshaynta, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada, Wasiir ku-xigeenka Waxbarashada iyo La-taliye Madaxweyne, ayaa looga hadlay

dardargelinta Mashaariicda ay ka wada shaqeeyaan Dowladda iyo Hay’adda Care International, sida Horumarinta Waxbarashada Puntland.

About The Author