Sawirro-Muuqaal: Dhismaha golaha horumarinta dhaqaalaha puntland oo lagu dhawaaqay
08 Aug 2023 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Shir-guddoomiyey Shir ku saabsan Horumarinta dhaqaalaha Puntland, Kaasi oo ku qabsoomay Xarunta dhexe ee Wasaaradda Qorshaynta ayna ka qeybgaleen inta badan Wasiirada ku shaqo leh Qorsheynta, Horumarinta dhaqaalaha, Mashaariicda iyo Arrimaha Bulshada.
Kulanka ayaa waxaa looga dhawaaqay in la dhiso Golaha Horumarinta Dhaqaalaha Puntland ( Puntland Economic Development Council), talaabadaasi oo mid wax weyn kusoo kordhinaysa adeega dowladnimo ee loo hayo Bulshada.