Iska furnaanshaha Kalfadhiga Baarlamaanka Puntland Xukuumadu maxay ka leedahay?

10 Aug 2023 (Puntlandes) Baarlamaanka Puntland oo kalfadhigu u furmay 15kii June ayna ahayd inuu xirmo 45 cisho kadib taas oo ku ekayd 30ka July ayaa 26kii July goaamiyey in Kalfadhigu iska furnaado iyadoo aan la cayi,id waqtiga uu xirmayo.

Baarlamaanka furnaanshaha kalfadhigiisa loogu qiildayey in shaqo badani u taalo wuxuu 27kii July ilaa 09ka Aug. ka fariistay hal maalin oo uu saacado kooban shaqeeyey taas oo ah 8dii.

Xukuumada Puntland ee madaxweyne Deni ayaa Baarlamaanka u gudbisay 12 xeer, hadaba muxuu yahay ujeedka ay Xukuumadu ugu soo gudbisay Xeerarka badan markii uu soo dhawaaday xiritaanka kalfadhiga?

Xukuumada madaxweyne Deni waxay Baarlamaanka u gudbisay sanadkii 2022kii oo uu ansixiyey 2 Xeer oo kaliya halka sanadkaan ilaa iminka la ansixiyey Xeer wax ka bedelka Dastuurka oo aan sharciga waafaqsanayn iyo 12 Xeer oo ay Baarlamaanka u gudbisay dabayaaqadii Kalfadhigaan.

Xukuumadda ayaa si ku talogal ah waxay sanadkii hore ugu gudbin wayday Xeer cusub ama wax ka bedel lagu samaynayo iyadoo si ku talogal ah ugu dhigatay marka uu soo dhawaado dhamaadka muddo xileedkeedu.

Madaxweyne Deni ayaa qorshihiisa koowad waxa weeye inuu muddo kordhin samaysto taas oo shaqada ka horaysa ay tahay in 3da september 2023ka uu Baarlamaanku ansixiyo Guddiga doorashooyinka (PEC).

Madaxweyne Deni ayaa qorshihiisu wuxuu yahay in kadib marka PEC xilka kala wareegaan guddigii hore TPEC ay samayn doonaan darsid waqtiga ay ku qaban karaan doorashada qof iyo cod ee Xildhibaanada, madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa iyagoo eegaya Sharciga ay u baahan yihiin iyo samaynta tirokoob shacabka Puntland si loo ogaado degmo kasta inta ku nool iyo Diiwaangelin codbixiyayaasha.

PEC ayaa dalban doonta waqti bilow ah oo aysan qorshaha ugu jirin inay ku qabato doorashada kaas oo ah 18 bilood ama 2 sano ugu badnaan waana damaca madaxweyne Deni.

Deni ayaa wuxuu doonayaa inuu koobigareeyo Somaliland oo aan la wacyi iyo xaal ahayn oo madaxweynayaashooda waqtiga la isaga kordhiyo.

Furmaanshaha Baarlamaanka Puntlannd ma ahan mid sharciyad haysta waa mid ka shaqaynaya in Puntland la geliyo degenaansho la`aan iyo fawdo mana ahan Baarlamaan u adeegaya shacabka Puntland ee waa mid isagu danihiisa ka shaqaynaya iyo inay iska joogaan oo aan Baarlamaan cusub oo bedela imaan marka muddo xileedkoodu dhamaado dabayaaqada december 2023.

Hoos ka akhriso Xeerarka ay Xukuumaddu u gudbisay Baarlamaanka Kalfadhigaan:

Golaha Wasiirada ayaa 20kii July ansixiyey Lix Xeer, kuwaas oo ay u gudbiyeen Baarlamaanka Puntland, waxayna kala yihiin:

1-Wax-ka badelka Xeerka Goleyaasha Deegaanka.

2-Wax- ka badelka Xeerka Doorashooyinka Dowladda Puntland.

3-Wax- ka badelka Xeerka Qareenada Puntland.

4- Wax ka badelka Xeerka Nootaayadda.

5-Xeerka iyo Siyaasadda Sumadaha Ganacsiga.

6-Xeerka lagu maamulo Hay’addaha Maaliyadeed ee Bangiga Dowladda.

Sidoo kale Golaha Wasiirada ayaa 3dii July ansixiyey Lix Xeer, kuwaas oo ay u gudbiyeen Baarlamaanka Puntland, waxayna kala yihiin:

1. Xeerka Maamulka Maaliyadda

2. Xeerka Maamulka Dakhliga

3. Xeerka Dakhliga Cashuuraha Berriga

4. Wax-ka-bedelka Xeerka Bangiga

5. Wax-ka-bedelka Xeerka Ilaalinta iyo Maareynta Deegaanka

6. Wax-ka-bedelka Xeerka Sahminta saamaynta deegaanka iyo Bulshada.

Hoos ka daawo Baarlamaanka Puntland oo ansixiyay in Kalfadhigii xirmi lahaa 30ka July 2023 iska furnaado

About The Author