Baarlamaanka Puntland oo ansixiyey labo xeer oo Xukuumada Deni danaynayso wax ka bedelkooda

10 Aug 2023 (Puntlandes) Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa ansixiyey labo xeer oo Xukuumada Deni ay danaynayso wax ka bedelkooda kuwaas oo kala ah:

1. Wax-ka-bedelka xeerka Doorashooyinka Goleyaashada Deegaanka Puntland

2. Wax-ka-bedelka Xeerka Maamulka Gobollada, Degmooyinka iyo dhismaha Goleyaasha deegaanka Puntland

Xildhibaannada Golaha Wakiillada Puntland ayaa maanta Cod aqlabiyad leh ku meelmariyeen Ansixinta Wax-ka-bedelka labadaas xeer-.

Baarlamaanka waqtigiisu sii dhamaanayo ayaa  noqday kii ugu liitay ee Puntland soo mara intii ay jirtay, isagoo shaqadiisa ku koobay rabitaanka Xafiiska madaxweynaha oo kaliya.

About The Author