Baarlamaanka Puntland oo ansixiyey in la xaraashto dhulka dawladda ee Barxadda Garowe

10 Aug 2023 (Puntlandes) Madaxwaynaha Puntland Siciid Cabdilaahi Deni ayaa Baarlamaanka u gudbiyey qoraal uu ku codsanayo in la iibiyo ama la xaraasho xarunta dowlada hoose, kaas oo cabirkiisu yahay 90×30, oo horay Barlamaanku cod ugu diiday iyadoo si qoraalka ku cad lagu dhamaystirayo Dhismaha dowlada hoose oo Bangiga aduunku ku bixiyey 2milyan oo doolar kaasi oo istaagay isagoo dhamaystirmin musuqmaasuq awgiis.

Fadhiga Baarlamaanka oo ay joogeen 39 xubnood ayaa 21 ogolaatay halka 9 diiday, arimaha iibkaan ku xeeran ayaa waxaa ka mid ah in Madaxwaynaha walaalkiis laga xaraashayo xaruntii hore dowalda hoose, mida qabyowdayna ee la musuqmaasuqay lacagtii deeqda ahayd ee lagu dhisayeyna uu wiilkiisu dhisayo oo qaatay Qabdaraaska.

Barlamaanka Puntland oo horay u diiday iibka Dowlada hoose ee Garowe ayaa maanta ogolaaday markale in hantida dadwaynaha laga xaraasho qoyska reer Deni si loo daboolo musuqmaasuq dhismaha 2milyan lagu bixiyey ee uu Qaatay wiilka madaxwaynuhu.

Baarlamaanka waqtigiisu sii dhamaanayo ayaa  noqday kii ugu liitay ee Puntland soo mara intii ay jirtay, isagoo shaqadiisa ku koobay rabitaanka Xafiiska madaxweynaha oo kaliya.

About The Author