Sawirro: Hogaanka sare ee SSC-Khaatumo oo xilkii kala wareegay Guddiga 33ka

10 Aug 2023 (Puntlandes) Hogaanka sare ee SSC-Khaatumo ayaa xilkii kala wareegay Guddiga 33 ka ee SSC-Khaatumo oo Todobadii biilood ee halganka SSC-Khaatumo uu socdey maamulayey howlaha halganka.

Guddigan oo uu magacaabistooda uu lahaa Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil 06-01-2023 ayaa u guulaystay inay soo gaarsiiyaan shaqada meeshii ugu wanaagsanayd oo ah SSC-Khaatumo oo mid ah.

Sheekh Maxamuud Salaad Guddomiyaha guddia 33 ka ayaa wareejiyey Hanti ay leedahay SSC-Khaatumo oo isugu jirta Dhaqaale, Hub, Gaadiid, Dagaal, Xoolo Nool, Faylal diyaarsan ,iwm .

Hogaamiyaha SSC-Khaatumo C/Qaadir Axmed Awcali , ku xigeenkiisa Dr Maxamed Cabdi Ismaaciil Shiine, Sheekh Jaamac Yaasiin Warsame gudoomiyaha golaha dhexe ee SSC-Khaatumo ayaa si wada jir ah ugala wareegay xilka SSC-Khaatumo .

Waxaana ay balan qaadeen inay dhamaystirayaan Halganka SSC-Khaatumo.

Guddigana ayaa mudadii uu shaqaynayey la arag wax khilaaf ah oo dhexdooda ah, iyagoo kala soo gudbay halganka caqabadi badan.

Bulshada SSC-Khaatumo ayaa lsi wayn ugu mahad naqaya dhamaan xubanah guddiga SSC-Khaatumo .

Dhanka kale Siyaasi C/risaaq Khaliif ayaa Hogaamiyaha SSC-Khaatumo ku wareejiyey Gaari V8 ah, Gaarigan aya ayaa loogu tala galey in loogi shaqeeyo Halganka SSC-Khaatumo.

About The Author