Dhagayso: CabdiQaybdiid ”Dastuurka Galmudug waxaa u codeeyey Shirwaynaha, Xuduudeeduna G Nugaal”

20 jun 2015 (Puntlandes) Dawlada Puntland ayaa maanta Shaacisay mowqifkeeda ku aadan sheegashada Shirka Cadaado ka socda uu sheegtay inay Xuduudiisu noqonayso Gobolka Nugaal taasoo ay ku qorteen wax ay  dastuurka ugu yeereen. Dawlada Puntland ayaa soo jeedisay maanta digniin kama dambays ah oo ku saabsan mawduucaas.

Jawaabta CabdiQaybdiid

Dhinaca kale Cabdi Xassan Qeybdiid oo Raga u ololaynaya inay BOOBAAN Gobolka Mudug ee Puntland  qaybna ka ah  maamulka Koonfurta Mudug iyo Galgaduud ee lagu dhisayo shirka magaalada Cadaado ayaa difaacay XUDUUDOODA cusub ee uu maamulkaasi yeelanayo. CabdiQeybdiid wuxuuna sheegtay in uu wax ka leeyahay degmooyin ay Puntland leedahay isagoo carabaabay Degmada Galdagob oo uu sheegtay inay ka degaan Bandiiradleey, Sedexhiglo, Saaxqurun, Laanwaalay ilaa magaalad Galdogob. Wuxuu kaloo Cabdiqaybdiid sheegtay Degmada Jariiban oo uu sheegtay in la wada degen yahay.

CabdiQeybdiid ayaa waxa uu yiri mar uu ka hadlayey dhulka Puntland ”Beeni ma shaqaynayso, waana in runta loo soo degaa” CabdiQeybdiid ma sheegin cida BEENTA sheegaysa iyo waxa ay beentu tahay midna.

Waxaa xusid mudan in CabdiQeybdiid oo awal ku doodi jiray inuu dadka Gobolka Mudug degen ku darayo maamulkii isagoo ku doodi jiray inay dadka degaankaasi sidaasi doonayaan aysana Puntland qasbi karin rabitaankooda inuusan maanta soo hadal qaadin taas laakiin bedelkeeda uu ku doodayo inuu Dhulka isagu leeyahay!!!!

CabdiQeybdiid ayaa mar wax laga waydiiyey su’aal aan isagaba qusayn oo ahayd in Puntland ay ku eedaysay DFS inay Federaalayntii dalka ay ka weecisay dariiqii lagu heshiiyey wuxuu ku jawaabay ”Waxaa la yiri Waraabihii la tag, la tag, bartaa laga dhig waa la CEEB, Puntland waxay baadaan DFS, waxay baadaan madaxda qaranka, madaxda qarankaa loo cagajugleeyaa, madaxda qaranka wax aan Xaq ahayn maalin walba ay ka saxiixdaan….”

Qeybta Hoose ka dhageyso hadalada labada dhinac.


Puntlandes.com

About The Author