DHEGAYSO: Waxgaradka G Mudug & Maamulkan oo ku sifeeyey warka Cadaado Colaad horleh

20 jun 2015 (Puntlandes)  Waxaa Maanta Shir lagu qabtay xarunta Maamulka Gobolka Mudug isugu yimid waxgaradka Gobolka Mudug iyo maamulka Gobolka iyagoo ka hadlay Xaalada Gobolka Mudug iyo Shirka ka socda Magaalada Cadaado ee sheegtay dhulka Mudug.

Waxayna dhamaantood ka hadleen xaalada Gobolka, iyo arimaha Cadaado kasoo yeeraya ee ah in Xaduudu ay tahay Xadka Gobolka Nugaal.

Waxgaradka & maamulka oo arinta isku fikirka ahaa ayaa sheegay in Arinkaas ay tahay sheekadii ururkii USC ee ahaa in dadka la laayo  dhulkana la qabsado fikirkaasan Reer Mudug ay ka hortageen 1991 ayna haatana isaga Filanyihiin.

Maamulka Gobolka Mudug ayaa sheegtay inay isaga filanyihiin Kooxda Cadaado dawladda Puntland maanta ay leedahay ciidan awood leh oo cadow walba ka hortagi kara aysan jiridoonin in Ciidamo Beelad la aruuriyo sidii 1991 dii dhacday maxaa yeelay ayey dheheen dawlada Puntland ayaa difaacaysa dadkeeda.

Dhagayso Maamulka Gobolka Mudug iyo Waxgaradka


Puntlandes.com

About The Author