Daawo Video: Maamulka & waxgaradka Gobolka Mudug oo Shir Jaraa’id Gaalkacayo Ku Qabtay

20 jun 2015 (Puntlandes) Maamulka iyo waxgaradka Gobolka Mudug ayaa maanata Shir Jaraa’id  ku qabtay magaalada Gaalkacayo iyagoo kaga hadlay Shirka Degmada Cadaado ka socda oo soo foolanaya Colaad horleh oo ka curata Puntland iyo dadka dega Koonfurta Mudug ilaa Xamar.

Gudoomiye kuxigeenka Gabolka Mudug Axmed Muuse Nuur Yare ayaa sheegay in qorshaha Xasan Sheekh uu yahay in uu ka baarbaarto sadex maamul Goboleed Koonfurta Mudug ilaa Xamar, isagoo doonaya buu yiri sidan:

  1. Koonfurta Mudug iyo Galgaduud inuu ka baarbaartomid
  2. Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe mid kale
  3. Xamar oo uu doonayo inuu mid kala soo dhex baxo

Gudoomiye kuxigeenka Gabolka Mudug Axmed Muuse Nuur Yare ayaa intaas ku sii datray in Gaalkacyo ilaa Bosaso uu dhererkoodu dhan yahay 750 km ayna tahay hal maamul oo ladhoho Puntland halka Koonfurta Mudug ilaa Xamar ay tahay iyana 750 lm uuna Xasan doonaya inuu ka baarbaarto sadex maamul!!!

Daawo Videowga

Puntlandes.com

About The Author