Tooshka wareega: Duulaanka Cadaado ma loo diyaar garoobay?

Tooshka wareega ee Boga caalamiga ee allidamaale.com wuxuu maantana shacabka Soomaaliyeed ee dhibanaha aan ageyn ah usoo bandhigayaa arimo xaasaasi oo kasoo kordhay Siyaasada murugsan ee Soomaaliya iyo duulaankabalaaran oo ku wajahan Puntland.

Hayeeshee Dulaankaas balaaran oo abaabulkiisu si xoowli ah uga socodo degmada Cadaado, balse lagasoo abaabulay magaalada Muqdisho ayaa waxaa la saadalinayaa in dhiib badani uu ku daadandoono.

Sida muuqata dawladda Faderaalka ee Muqdisho waxey door biday in dagaaladii sokeeye dalka ay dib ugu celiso, si ay 2016 meesha uga baxdo doorashooyinkii la sugayay.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Mudane Xasan Sheekh ayaa durbaan colaadeed ka tumaya gobolada Galgaduud iyo Mudug halkey doontaba hala gartee, waxaana uu iskaashi kala yeeshey Gen. Cabdiqeybdiid.

Cabdi Qeydiid iyo Saaxiibadiisa Siyaasadeed wali kama aysan quusan hamigooda ah in Soomaaliya dib loogu celiyo halkii ay ka soo gudubtay, oo ahaa dagaal hubeysan oo laysku qaado, waxaana isaga iyo kooxkale oo qarsoon ay wacad ku mareen in mar un ay Puntland bur buridoonaan, isagoona dhaq dhaqaaq milatari iyo Uruurin ciidan iyo Hub ka wada deegaanka Ceel Doofaar oo uu ka dhigtay Saldhig, isla markaan shirka cadaado u doonaya inuu xulufo u helo duulaanka uu ku qaadayo Puntland.

Dawladda Puntland ayaa marar badan horay usheegtay in aysan gacmaha ka laaban doonin colaadaha iyo hanjabaadaha ka soo yeeraya Cadaado, waxaana sida hada muuqata gabo gabo ku dhaw duulaankii ku wajahnaa magaalada Gaalkacyo iyo Puntland.

Shirka cadaado mahaan mid maamul iyo nabad galyo loola jeedo, ee waa shir lagu abuurayo xulufo laguna carqaladeenayo nabadagayada iyo xasiloonida Somaaliya, maxaa yeeleya shirka ma waafaqsana Dastuurka Soomaaliya ee dhigaya labo gobol iyo wixii ka badan, sidoo kalena waxaa markhaati madoonta ah ujeedada guracan ee shirka hadaladii kasoo yeeray ee ahaa in ay ku duulayaan gobolka Nugaal ee Puntland.

Bal dib u jileec sooyaalka iyo taariikhdii la soo maray, in kabadan 25-sano ayaa shacabka Puntland ay dulqaad hu waanayeen, hase yeeshee waxaa la gaaray xiligii ay soo afjarmi lahaayeen dulqaadkii doqonimada ahaa.

Shacabka Puntland waxey si weyn u quudareeynayaan diyaar garoow intee leg ayeey dowlada Puntland ugu jirtaa duulaanka kasoo muuqda Cadaado ee la doonayo in marke lagu gumaado shacabka Puntland?

Waxaa dowlada Puntland iyo waxgaradka gobolka Mudug la gudboon in ay si weyn uga diyaar garoobaan coolada iyo duulaanka kasoo socota degmada Cadaado inta ay goori goor tahay!

Waa in gobolka Mudug si deg deg ah loogu diyaariyo ciidamo u gaar ah oo ku filan difaaca gobolka Mudug laguna kor dhiyaa ilaa 4000 oo askari oo saldhigoodu yahay gobolka Mudug si Ciidanka Puntland ugu filnaado dhaq dhaqaaq dhabarka danbe ee ciidamada Waqooyi Galbeed oo qorsheenaya in ay iyagana dhabar jabin ku dhuftaan Puntland.

Waa in saldhiga ciidanka difaaca ee gobolka Mudug uu noqdaa mid isku filan birmadka, Saadka sida Shiidalka iyo Rasaasta iyo Daawadaba, waa in hadeer lasii keeydiyaa si aan markuu dagaalka biloowdo loo maqal waxbaa go’ay. (Gobolka Mudug waa inuu helaa keyd gaar ah (Ciidan saad iyo gurmad u gaar ah) wa in hadeer lasii qoraa ciidamo ku filaada Gobolka Mudug.

Hadaan sidaas la yeelin wax walbaa ayaa haalis ah, dhinaca kalena waa in shacabka Puntland iyo dowladooduba aqbalaan waaqica dhabta ah iyo mar xaladaha cusub ee is bad badalaya.

Waxaa la joogaa xiligii dowlada Puntland ay ku dhawaaqi laheyd in ay gooni isaga taagtay dadka Soomaaliyeed ee aan nabada iyo dowladanimada dooneyniin, haadaan sidaas la yeelina waxaa xaqiiqa ah in hurumarka iyo nabada shacabka Puntland khatari soo wajaheyso.

Xigasho: Allidamaale

About The Author