Dhagayso: Warbixin ku saabsan waxa Cadaado ka socda iyo go’aanka Ahlu sunna

21 jun 2015 (Puntlandes) Shirka Cadaado ayaa xalay lagu shaaciyey 60 xubnood oo ka mid noqonaya xildhibaanada baarlamaanka maamulkaas,

Go’aanka Puntland

Dawladda Puntland ayaa shaacisay shalay go’aankeeda ku saabsan shirka Cadaado oo sheegay dhul baaxad wayn oo ka tirsan iyadoo Puntland ay ka digtay Colaad horleh oo ka curata Puntland iyo dadka dega Koonfurta Mudug ilaa xamar. Waxay kaloo Puntland ka digtay DFS oo Dastuurkii lagu heshiiyey ka weeciyey wixii ummadda Soomaaliyeed ku heshiisay wixii ka yimaada Cadaadana ay mas’uuliyadeeda qaadi doonto DFS.

Go’aanka Ahlu sunna

Ururka Ahlu sunna Waljamaaca ayaa arrintaas ka biyo diidey waxayna sheegeen inaanay aqoonsanayn natiijada ka soo baxday shirka Cadaado. U qaabilsanaha Bulshada ee ururka Ahlu sunna Mursal Maxamed Yuusuf Xeefoow ayaa wuxuu VOA u sheegay inaysan aqoonsanayn wax walba oo Cadaado ka soo baxa aysana saamayn ku yeelan doonin ururkooda iyo Degaanada ay maamulaan.

Suldaanka Beesha Sacad

138b

Dhanka kale Suldaan Cabdinaasir Jaamac Seed oo ah Suldaanka Beesha Sacad ee Habargidir ayaa si wayn usoo dhaweeyey isagoo Cadaado ku sugan sida ay Cadaado wax uga socdaan.

Suldaan Cabdinaasir Jaamac Seed ayaa sheegay inay dhiman yihiin labaatan iyo dhawr xildhibaan iyadoo xalay la soo gudbiyey 60 xildhibaan. Waxaana wada xusuusanaa inay dheheen 78 Xildhibaan ayuu yeelanayaa baarlamaanka Koonfurta Mudug iyo galgaduud. Hadaba ma tiradii baa darartay oo isku bedeshay 88 mise ?

Dhagayso warbixin ku saabsan Cadaado


Puntlandes.com

About The Author