Dhagayso: Afhayeenka Gudiga Farsamada ”arrimaha Xuduuddaha Gudi Xuduuddaha ee DFS ayaa jira”

133

21 jun 2015 (Puntlandes) Afhayeenka Gudiga Farsamada Maamul samaynta Koonfurta Mudug iyo Galgaduud Sheekh Cumar Cali Rooble ayaa sheegay inaysan Puntland khusayn maamulka ay Cadaado ka dhisayayaa CAJIIB wuxuuna yiri sidan ”Waxa aan maamulka u dhisayno Puntland kuma jirto, mar hadayna Ergo ka joogin”

Mar la waydiiyey waxa ay Puntland ka cabanayso inay tahay Xuduudiina oo aad ku sheegteen Gobolka Nugaal halka ay Puntland leedahay Qayta badan ee Gobolka Mudug ayaa wuxuu ku jawaabay arrimaha Xuduudaha Gudi Xuudaha ayaa jira isagaana na kala saaraya waxayna la mid ah Shabeelaha Hoose iyo Banaadir iwm CAJIIB

Waxay u egtahay nimankan cadaado isugiu tegay inay is indho tirayaan aysana doonayn runta ayna u diraay garoobeen dagaal lagu hoobto o oka curta degaankaas hadda nabdoon.

Hadalka dhiilada wata e eka soo yeeray Aways Cali Siciid

Waxaa xusid mudan inuu Gomaamiyaha Koonfurta Mudug Aways Cali Siciid uu warbaahinta ka sheega inay dagaal u diyaargaroobeen haday PUntland doonayso haddii ay aamusto yacni aan BOOBNO dhulkeedee.

Dhagayso Afhayeenka Gudiga Farsamada Maamul samaynta Koonfurta Mudug


Puntlandes.com

About The Author