Sawiro-Sanaag: Dadweynaha oo Dawlada Muqdisho uga digay Fara galinta Siyaasadeed ee ay ku hayso Dhulka Puntland

21 jun 2015 (Puntlandes) Qaybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan Gobolka Sanaag ayaa Dawlada Muqdisho uga digay fara galinta Siyaasadeed ee ay ku hayso Dhulka reer Puntland,xilli Dawlada Federaalka ay hormuud ka tahay shir ka socda Cadaado oo Maamulka loogu dhisayo Galgaduud iyo Koonfurta Mudug,kaasi oo Dastuurkiisa lagu qortay Dhulka reer Puntland.

Nabadoon Cumar Siciid oo ka mid ahaa Waxgaradka ka hadlay kulanka,ayaa sheegay in Dawlada Federaalka Soomaaliya ay Mas’uul ka noqon doonto Cawaaqib xumada ka dhalata fara galinta ay ku hayso Dhulka Puntland,arrintaas oo uu sheegay inay horseedayso Colaad Sukeeye.

Waxgaradka iyo qaybaha kale ee Bulshada ka qayb galay shirka ayaa Dawlada Puntland ugu baaqay inay Waajib Dastuuri ah ay tahay Difaaca dalka iyo dadka,waxayna taageeren go’aankii ay Dawlada Puntland ka qaadatay shirka Cadaado.

Hadalka dadweynaha ayaa kuso beegmaya xilli shirar isbada joog ah ay ka soconayaan Puntland,kuwaas oo ay yeelanayaan qaybahaa Bulshada ku dhaqan Puntland oo ka caraysan fara galinta Dawlada Xamar ay ku hayso Dhulkooda.

Hoos Ka Daawo Sawirada;
139

139a

139b

139c

139d

139e

139f

Xigasho: Puntlandi

Puntlandes.com

 

About The Author