Sawiro: Askar ka tirsanaa Ciidanka Puntland oo Shil gaari ku dhimatay iyo Madaxweynaha Puntland oo Cisbitaalka ku booqday

21 jun 2015 (Puntlandes.com)  Madaxwaynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta isbitaalka weyn ee magaalada Garoowe ku booqday Dhaawaca  askar katirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland oo gaari kula dhacay deegaanka Buurawadal ee Gobolka Sool.

Toban askari oo kamid ah Ciidanka uu gaarigu la dhacay ayaa shilkaasi ku dhintay halka laba iyo Toban kalana ay ku dhaawacmeen. Saraakiisha cisbitaalka ayaa madaxweynaha warbixin dheer ka siiyey xaaladda caafimaad ee ciidankaas, iyagoona sheegay in howlwadeenada caafimaadka ay ku howlan yihiin sidii ay gargaar caafimaad oo deg deg ah u siin lahaayeen.

Madaxwaynw  Gaas ayaa ka tacsiyeeyay Geerida naxdinta leh ee ku timi tobankaasi askari isagoona alle uga baryey in jana Fardowsa uu ka waraabiyo samir iyo iimaan buuxana ka siiyo eheladii,qaraabadii, shacabka Puntland, saraakiisha ciidanka iyo guutadii ay ka tirsanaayeen.

Gaas ayaa ku booqday Cisbitaalka weyn ee Garoowe askarta ay dhaawacyadu ka soo gaaren shilkaasi, isagoo amaray in qaybtooda liidata ee aan dalka waxba looga qaban Karin loo qaado dalka dibadiisa si ay u helaan daryeel caafimaad oo dhamaystiran.

Hoos Ka Daawo Sawirada

140b
140

140a

Puntlandes.com

 

About The Author