Sawiro+Dhagayso Dadweynaha reer Puntland oo ku taageeray Go’aankii ay ka qaadatay dawladda PL Shirka Cadaado iyo DFS

21 jun 2015 (Puntland) Dadweynaha reer Puntland ayaa ku taageeray Dawladda Puntland Go’aankii ay ka qaadatay Shirka Cadaado oo ay garwadeenka ka tahay DFS.

Dadweynaha reer Puntland ayaa Dawladda Villa Wardhiigleey uga digay fara galinta ay ku hayso Dhulka Puntland, ka dib markii DFS ay hormuud ka noqdeen in Maamulka loo dhisayo Galgaduud iyo Koonfura Mudug uu sheegto Dhul ka tirsan Puntland, arrintaas oo dawladda Puntland ay horay uga digtay in Cawaaqib xumada ka dhalata ay Mas’uuliyadeeda qaadayso Dawlada Villa Wardhiigleey.

Waxgaradka, Haweenka iyo qayabaha kale ee Bulshada Puntland ayaa sheegay inay taageersan yihiin go’aankii Puntland ay ka qaadatay faragalinta Siyaasadeed ee lagu hayo Dhulka Puntland,waxayna sheegen inay diyaar u yihiin inay Difaacan dalkooda.

Reer Puntland ayaa Wax lala yaabo iyo Riyo Qarow leh ku tilmaamay in 17-sano oo ay Dawlad ahaayeen ka dib la sheegto Dhulkooda,waxayna ugu baaqeen Federaalka inay faraha kala baxdo Colaada ay hurinayaan.

Dawlada Puntland ayaa sheegtay in hannaanka uu u socdo shirka Cadaado uu hareer marsan yahay Nidaamka ay ku heshiiyeen umada Soomaaliyeed,haddii uu sidan ku socdana uu horseedi karo Colaad.

Puntland ayaa sheegay in Cawaaqib xumada ka dhalata shirka Cadaado ay qaadayso Mas’uuliyadeeda Dawlada Villa Wardhiigleey.

Dhagayso Dadweynaha ka hadlay


150

150a

150b

150d

150e

150f

150g

150j
Puntlandes.com

About The Author