C/kariim Guuleed ”Puntland, minco badan ma samaynayso in la shareysto Dadweyne ka tashanaya ayaahahooda”

151

21 jun 2015 (Puntlandes) C/kariim Xuseen Guuleed oo ka mid ah musharaxiinta u taagaan Madaxweynaha Maamulka kumeelgaar ah ee Koonfurta Mudug iyo Galgaduud ayaa ku sheegay Dastuurkii dhawaan laga Ansixiyay Degmada Cadaado  ee uu yeelanayo Maamulka kumeelgaar ah ee Koonfurta Mudug iyo Galgaduud mid u adeegaya bulshada ku dhaqan deegaannada la fillayo in maamulku ka arrimiyo.

Dastuurkaas ayaa waxa lagu sheegay in Xuduudda waqooyi ee maamulkaas ay tahay Gobolka Nugaal taasoo micnaheedu yahay inay iyagu leeyihiin oo maamulaan dhamaan Gobolka Mudug oo ay qaybtiisa badan hoos timaado oo Dawladda Puntland.

Musharax C/kariim oo warbaahinta kula hadllayay magaalada Cadaado ayaa sheegay in Puntland aysan shareysan dastuurka maamulka gobollada dhexe oo ah sida uu hadalka u dhigay mid ka shaqeynaya Nabadgalyada iyo Daris-wanaagga guud ee maamulada Ood-wadaaga ah.

“Annaga ma aragnno Aragtida Maamulka Puntland ay qabto ee ah in dastuurka maamulka gobollada dhexe ee dhawaan la Meel-mariyay uu horseedayo dadka deegaannadaas colaad, laakiin taas badalkeeda waxaa is leenahay waa Dastuur ka Shaqeynaya Nabadda iyo Daris-wanaaga, una horseeda bulshada deegaannadaas hormar iyo inay meel isaga riixaan muran siyaasadeedkii mudada dheer jiray, siddaa daraadeed waxaan leenahay Puntland ma’aha in ay shareysato maamulka dhismaha iyo dastuurka la meel-mariyay intaba,” ayuu Guuleed ku yiri hadalkiisa.

C/kariim maxuu leeyahay Gobolka Mudug oo Puntland leedahay ayaan BOOBAYAAYE ee Puntland yaysan sharaysan CAJIIB!!!

“Waxaan is leeyahay micno badan ma sameyneyso in la shareysto Dadweyne ka tashanaya ayaahahooda si uu ku dhisan yahay dastuurka iyo Axdiga KMG ah ee dalka, sidaa awgeed Puntland taas badalkeeda waxaa habboon inay ka shaqeyso sidii ay Mustaqbalka Ammaan ugu wadda noolaan lahaayeen maamulka Gobolladaas lagu waddo in loo dhiso,” ayuu mar kale yiri C/kariin Guuleed.

C/kariim ma wuxuu u hanjabayaa Puntland awood badanaa!! Mise magacan DFS ee ina adeerkiis Culusoow ayaa isku halaynayaa?

Ugu dambayntii C/kariim ayaa ku faanay in Maamulka Gobollada dhexe uu Noqon doono mid Bud-dhig u noqda, gacan weyna ka geysan doonna hiigsiga 2016ka iyo in dalka doorasho ka dhacdo.

Puntlandes.com

About The Author